Heemaal News Network

Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka Digay Khataraha ku soo Fooleh Soomaaliya

Qoraal uu daqiiqado kahor bartiisa X soo dhigay, Senator ahna Barafasoor Cabdi Ismaaciil Samatar ayuu ku sheegay in uu aad uga welwelsanyahay xaaladda dalku maanta ku suganyahay iyo meesha loo wado.

Senatorka ayaa yiri, “Xasan Shiikh Maxamuud waxa uu dalkeenii gaadhsiiyay meel daran oo qar-ka-dhac ah, mana laha awood uu yara dib-u-gurto. Mucaaridkii ayana waa kala daadsanyihiin, waana ku guuldaraysteen in ay u midoobaan samatabixinta qarankeena. Xaaladda dalku maanta ku suganyahay waa mid leh sansaantii xaaladihii dabayaaqadii 1980-aadkii. Haddaba Soomaalidu ma u midoobi kartaa badbaadinta aayaha ubadkeena?”