Shacabka dhigayay dibadbaxa ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ku taageerayaan maamulka Jubbaland iyo sidoo kale ereyo ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya , gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre.
Qaar kamid ah shacabka ka hadlay dibadbaxa ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka in ay cunaqabteyn saartay magaalada Kismaayo, gaar ahaan dhinaca safarka, waxa ayna ugu baaqeen dowladda in ay ka laabato go’aanka ay ku dhibaateeneyso shacabka magaalada.
Waxa ay sidoo kale shacabka qaarkood ugu baaqeen Madaxweyne Xasan Shreekh Maxamuud in uu iscasilo, waxa ayna tilmaameen in uu ku fashgilmay hoggaaminta dadka Soomaaliyeed, iyagoona ku eedeeyay dib u dhac iyo naceyb uu u qabo deegaanno gaar ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa xayiraad kusoo rogtay maamulka Jubbaland uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, waxa ayna dowladda xannibtay diyaaradihii tagi jiray Kismaayo, waxa ay sidoo kale hakkisay deeqihii maamulka la siin jiray iyo mashaariicihii laga fulin lahaa Jubbaland.