Heemaal News Network

Shacabka Iiraan oo saaka u dareeray doorashada Madaxweyne cusub.(Sawirro)

Dadka reer Iran ayaa u dareeray goobaha codbixinta doorashada degdega ah kadib markii si lama filaan ah uu ku dhintay madaxweynihii hore ee Iran Ebrahim Raiesi shil diyaaradeed.

Goobaha Codbixintu waxay furmeen 8:00 subaxnimo wakhtiga maxaliga ah Jimcihii saaka Waxay xirmayaan 6:00 galabnimo, iyadoo ay ku xiran tahay muddo kordhin ay sameyso Wasaaradda arrimaha gudaha haddii loo baahdo.

Hoggaamiyaha Kacaanka Islaamiga ah Ayatullah Sayyid Ali Khamenei ayaa codkiisa ka dhiibtay goob codbixineed oo ku taal magaalada Tehran markii ay codbixintu bilaabatay.

“Waxaan kula talinaynaa dadkeena qaaliga ah inay si dhab ah u qaataan codbixinta iyo ka qayb galka imtixaankan siyaasadeed ee muhiimka ah ” ayuu yidhi codayn ka dib.

Doorashooyinkaan ayaa la sheegay in ay ku tartamayaan afar musharax, waxaana ugu cadcad labada musharax ee kala ah Ghalibaf iyo Jalili oo midkood loo soo saadaalinayo inuu noqon doono Madaxweynaha xiga ee Iran.

Labaduba waa muxaafid, inkastoo Ghalibaf loo arko mid dhexdhexaad ah, halka Jalili uu yahay nin adag.