Ka dib hadalka taliyaha ciidamada, ardayda iyo kooxda hormuudka ka ah mudaaharaadyada ka dhanka ah Dawladda, ayaa waxay soo saareen warsaxaafadeed, iyagoo sheegay in kuwa “kacaanka keenay” ay go’aan ka gaari doonaan cidda talada dalka qabanaysa.
“Waxaan aaminsanahay in xukunka militarigu aanu xal ahayn xilligan. Ardaydii iyo shacabkii kacaanka keenay ee guusha gaaray ayaa go’aan ka gaari doona cidda talada dalka qabanaysa….Sidaas darteed, xukunka militarigu xal maahan xilligan. Ardayda iyo dadweynaha ayaa go’aamin doona cidda loo magacaabayo dawladda ku-meel-gaarka ah. Isku-duwaha ardayda ee dhaqdhaqaaqa ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixin doona arrintan hadhow.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sawirrada; Ardayda iyo dadweynaha ayaa u dabaal-deggay riddi-taanka xukunkii Hasina .