Subaxnimadii hore ee Axadda, December 8, 2024, Hay’at Taxriir al-Sham oo uu hoggaamiyo Axmed al-Sharaa, laguna naanayso Abu Muxammad al-Julani, ayaa ku dhawaaqay gacan ku haynta caasimadda Suuriya ee Dimishiq iyo afgambigii Madaxweyne Bashaar al.
Telefeshinka rasmiga ah ee dalka Suuriya ayaa baahiyay hadalkii ugu horreeyay ee mucaaradka Suuriya kadib markii ay gudaha u galeen caasimadda Dimishiq, Bashaar Al-asadna uu baxsaday.
Halkee ayuu u baxsaday Bashaar Al-asad?
Wakaaladaha wararka ee Ruushka oo soo xiganaya ilo ku sugan aqalka Kremlin-ka ayaa sheegay goor dambe oo fiidnimadii Axadda in Bashaar Al-asad iyo qoyskiisa ay gaareen magaalada Moscow.
Hay’adaha ayaa sheegay in Ruushku uu magangelyo siiyey Assad iyo qoyskiisa kadib markii uu dhacay xukunkii Suuriya.
Laba sarkaal oo sare oo ka tirsan ciidamada Suuriya ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, subaxnimadii Axadda, in Bashaar Al-Asad uu dalka kaga baxay diyaarad, kuna sii jeeday meel aan la garanayn.
Ruushka, oo xulafo la ah Asad, ayaa goor sii horeysay ku dhawaaqay inuu “ka tagay” jagadiisii madaxweynenimo, uuna “ka tagay Suuriya”, ka dib markii uu wada xaajood la yeeshay “dhinacyada hubaysan ee ka soo horjeeda,” isaga oo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixinin meesha uu ku wajahan yahay.
Warbixinadii ugu horeeyay ayaa tilmaamaya suurtagalnimada in Assad uu ku wajahan yahay Ruushka ama Imaaraadka Carabta, lagana yaabo in diyaaradii uu la socday ay burburto.
Maamulka ku meel gaarka ah
Isbaheysiga mucaaradka Suuriya, ee uu hoggaamiyo Hay’at Tahrir al-Sham, ayaa ku dhawaaqay inay ka shaqeynayaan sidii ay u sameyn lahaayeen gole maamul oo ku meel gaar ah oo leh awood fulineed oo buuxda, iyadoo ay qayb ka noqonayaan dadka Suuriya.
Isbahaysigu wuxuu intaa ku daray in ay ku haminayaan “in la dhiso iskaashi istaraatiijiyadeed oo gobolka iyo caalamka ah.”
Hay’at Taxriir al-Sham ayaa hay’adaha dawliga ah iyo Ra’iisul Wasaarihii taliskii Bashaar, Muhammad Ghazi al-Jalali, u ogolaatay inay sii joogaan xafiisyadooda.
Hoggaamiyaha Hay’at Taxriir al-Sham, Abu Muhammad al-Julani, ayaa ugu baaqay dagaalyahanadiisa subaxnimadii Axadda inaysan u dhowaan xarumaha dowladda, isagoo carabka ku adkeeyay inay sii wadayaan kormeerka ra’iisul wasaarihii hore ilaa “si rasmi ah looga wareejinayo.”
Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Maxamed Ghazi Al-Jalali ayaa farriin la duubay subaxnimadii Axadda ku sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay “in ay la shaqeyso hoggaan kasta oo ay dadku doortaan.”
“Waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno hoggaan kasta oo ay dadku doortaan, iyo inaan bixinno taageero kasta oo suurtagal ah si loo xaqiijiyo in si habsami leh oo nidaamsan loogu kala wareejiyo howlaha dowladda, iyo ilaalinta xarumaha dowlad goboleedyada”.
Al-Jalali ayaa ugu baaqay dadka Suuriyaanka ah inay ilaaliyaan xarumaha danta guud, isagoo ku nuux nuuxsaday inay leeyihiin dhammaan muwaadiniinta.
Maqribnimadii Axadda, Al-Julaani waxa uu galay Masjidka Umawiyiinta ee magaalada Dimishiq, isaga oo ay ku hareeraysan yihiin boqolaal dagaalyahanno ah iyo ilaaladiisa, waxa uu salaadda maqrib ku tukaday masaajidka, taas oo loo arko in ay astaan u tahay xukunka Suuriya.
Al-Julani ayaa jeediyay khudbad uu u arkayay dhamaadka xukunka Assad “guul u soo hoyatay dhammaan reer Suuriya”, isagoo ku dhawaaqayay guul iyo “Allaahu Akbar”.
Al-Julani ayaa u sheegay dad badan oo ku sugnaa Masjidka Umayyad in taliska Asad uu “ku xirxiray kumanaan muwaadiniin ah si xaqdarro ah kuwaas oo aan wax dambi ah gelin.”
Dadka reer Suuriya ee ku dhaqan caasimadda Dimishiq iyo guud ahaan dalka Suuriya ayaa si weyn ugu dabaaldegay dhicitaanka nidaamka Bashaar Al-Asad, kaas oo xukunkiisa iyo kan aabihii Xafiz Al-asad ay dalkaas ka talinayeen in ka badan nus qarni.
Qaxooti badan oo Suuriyaan ah oo ku nool wadamo kala duwan oo adduunka ah ayaa sidoo kale u dabaaldegay dhicitaanka xukunka qoyska Asad.
Tirada dhimashada
Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya ayaa sheegtay goor dambe oo fiidnimadii Axadda in ilaa 910 qof la dilay, oo ay ku jiraan 138 rayid ah, tan iyo markii uu bilaabmay weerarka kooxaha mucaaradka ee Suuriya 27-kii November.
Mawqifka mucaaradka Suuriya ee dibadda
Madaxa mucaaradka Suuriya ee dibadda, Hadi Al-Bahra, ayaa sheegay Axadii in 18 bilood ee soo socota Suuriya lagu sii wadayo ku meelgaar kadibna la samaynayo “jawi ammaan ah, dhexdhexaad ah oo deggan,” si loogu diyaargaroobo “doorasho xor ah” oo dalka ka dhacda. , kadib markii uu dhacay xukunka
Madaxweyne Bashaar Al-Asad.
Al-Bahra, oo ah madaxa Isbahaysiga Qaranka Suuriya, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ay waajib tahay in la diyaariyo dastuurka Suuriya lix bilood gudahood, iyada oo doorashada ugu horreysa ay tahay “afti dadweyne”.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Dastuurka ayaa qeexaya in aan qaadaneyno nidaam baarlamaan, mid madaxweyne ama mid isku dhaf ah, iyadoo taa laga duulayona waxaan qabaneynaa doorasho, dadkuna ay dooranayaan hogaankooda”.
Falcelinta caalamiga ah
Dhowr saacadood ka hor dhicitaanka nidaamka Bashaar Al-Asad, madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii sheegay in Washington aysan wax door ah ku yeelan sida dhacdooyinka Suuriya ay u horumarayaan.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee ayuu Trump ku tilmaamay weerarka hubeysan ee ay billaabeen mucaaradka Suuriya mid aan horay loo arag, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in Mareykanka uusan wax lug ah ku lahayn.
Trump ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay: “Si kastaba ha ahaatee, Suuriya waxa ka socda waa qas, laakiin ma aha dal aan saaxiib nahay, mana aha in Maraykanku wax lug ah ku yeesho dhacdooyinka.”
Dhankiisa madaxweynaha xilka ka degaya ee Mareykanka Joe Biden, ayaa Sabtidii ku dhawaaqay inay si dhow ula socdaan xaaladda Suuriya, waxayna ugu baaqeen dhinacyada inay yareeyaan xiisadda.
Axadii, Biden waxa uu ku dhawaaqay in uu kulan la yeelan doono kooxdiisa amniga qaranka uuna kala hadlayo arimo ku saabsan Suuriya.
Ra’iisul wasaaraha Britain Sir Keir Starmer, ayaa soo dhoweeyay dhicitaanka maamulka Bashaar wuxuuna yiri: “Shacabka Suuriya waxay muddo dheer ku dhibanaayeen nidaamka arxan darrada ah ee Asad, waana soo dhoweyneynaa bixitaankiisa,” isagoo aan shaacin mowqifkiisa. kooxaha gacanta ku haya Suuriya kadib Assad.
Turkiga ayaa dhankiisa ku dhawaaqay inuu xiriir la sameynayo kooxaha mucaaradka Suuriya, balse wuxuu walaac ka muujiyay dowladda Islaamiga ah iyo xisbiga shaqaalaha Kurdistan, oo ah urur hubeysan oo Kurdish ah, oo ah labo kooxood oo Turkigu si gaar ah u daneynayo.
Masar ayaa sheegtay in ay si aad ah u daneyneyso isbedelka ka socda dalka Suuriya, iyadoo xaqiijisay in ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Suuriya, isla markaana ay garab taagan tahay madax banaanida Suuriya iyo midnimada iyo wadajirka dhulkeeda.
Dhanka Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay inay si weyn ula socoto horumarka xawliga ah ee ka socda dalka Suuriya.
Source BBC