Heemaal News Network

Sheekh Shariif iyo Safiirka Mareykanka Oo kawad Hadlay Oo Xaalada Siyaasadda dalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Richard Riley iyagoo kulan koodi diiradda ku saaray arrimaha siyaasadda iyo amniga Soomaaliya iyo sida loogu baahan yahay in la horumariyo hannaanka dowlad dhisidda.

Sheekh Shariif ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay Soomaaliya ka siiso dhinacyada ammaanka, la dagaalanka argagixisada iyo gargaarka bini’aadantinimo.

“Waxaan kulan kuwada yeelanay Magaaladda Muqdisho safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, ambassador Richard Riley, innagoo kulankeenna diiradda ku saarnay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Amniga, siyaaasadda iyo sida ay muhiim ugu tahay horrumarinta geedi-socodka dowlad dhiska iyadoo ay mar walba saldhig u tahay xasillooni siyaasadeed” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo midnimada madaxda Soomaalida ka hor doorashooyinka muhiimka ah ee sanadka soo socda la filaayo inay ka dhacdo dalka.

Dowladda Mareykanka ayaa xoojinaysa taageerada ay siineeyso hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya iyo dhismaha hay’adaha dowladda iyadoo ay jiraan caqabado siyaasadeed oo taagan.