”Xibsiga Himilo Qaran wuxuu cambaaraynayaa iskudayga guddiga lagu muransanyahay ee doorashooyinka uu si qasab ah ugu cadaadinayo hay’addaha waxbarashada Magaalada Muqdisho sida ardayda Jaamacadaha iyo iskuulada inay isku diiwaangaliyaan nidaam doorasho oo aan heshiis lagu ahayn” ayaa lagu yiri warka ay soo saareen.
Shacabka magaalada Muqdisho ayaa inta badan aaminsaneyn in doorasho qof iyo cod dhaceyso, ayaa inta badan iska diiday in ay isdiiwaangeliyaan, waxa ayna guddiga doorashooyinka bilaabeen in dadka si qasab ah lagu diiwaangeliyo.