Heemaal News Network

Shiinaha Oo Daan-daansi ku Tilmaamay Markab Dagaal Oo Japan Leedahay oo Gudaha u Galay Baddooda

Wararka ka imaanaya Japan ayaa sheegaya in wasaaradda gaashaandhigga ay baarayso sida mid ka mid ah maraakiibtooda dagaalka uu ku galay dhul-badeedka Shiinaha todobaadkii hore.

Beijing ayaa cambaareysay gelitaanka markabka dagaal uu ku sameeyay gobolka Zheijang, iyadoo arrintaas u aragta daan-daansi ula kac ah.

Maamulka Shiinaha ayaa sheegay in markabka marar badan loogu baaqay in uu baddalo jihada, balse taa beddelkeeda uu si degdeg ah ku galay biyaha.

Japan ayaa si aan rasmi aheyn u sheegtay in markabka ay jihadu ka khaldantay.