Heemaal News Network

Shiinaha Oo Dhoolatus Miatari ka Bilaabay Xadka Taiwan iyo Xiisad taagan

Dowladda Shiinaha ayaa qaaday tallaabooyin lagu cabsi galinayo maamulka iyo shacabka Jaziirada Taiwan , oo Shiinaha aaminsan yahay in dalkeeda katirsan yahay.

Shiinaha ayaa dhoolatus militeri ku sameeyay xeebaha Taiwan iyagoo ku sheegay in ay ciqaab uga dhigayaan hadalka madaxweynahooda William Lai kaddib markii uu ballanqaaday in uu iska cabin doono “In lagu daro Shiinaha ama lagu xadgudbo madaxbanaanidooda”.

Shiinaha waxa uu sheegtaa in Taiwan ay tahay qeyb ka mid ah dhulkooda, waxa uuna madaxweyne Xi Jinping ballanqaaday in uu xoog dib ugu soo qaadanayo hadii loo baahdo.

Taiwan waxay sheegeen in ay heleen xogta 34 markab iyo 125 diyaarado oo jooga hareeraha jasiirada maanta oo Isniin ah.

Khariirado ay daabaceen warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa muujineysa in ciidamadooda ay tageen hareeraha jasiiradda. Ugu dambeyn waxay sheegeen in dhoolatuska uu guuleystay.

Militeriga Shiinaha ee loo yaqaan PLA ayaa sheegay in dhoolatuska ay ka qeybgaleen dhammaan qeybaha ciidamada, waxa ayna sheegeen in loogu talogalay in lagu muujiyo sida Taiwan looga weerari karo cirka, dhuka iyo badda.

Wasaaradda difaaca Taiwan ayaa cambaareysay tallaabada Shiinaha, waxayna sheegtay in ay mudnaanta koowaad siineyso sidii looga fogaan lahaa isku dhac kaas oo horseedi kara in xiisadda ka sii darto.