Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha, Wang Yi ayaa maanta sheegay in ka badan 26 waddan inay taageerreen hindisaha nabadda ee Ruushka iyo Ukraine oo ay si wadajir ah u diyaariyeen.
Shiinaha iyo Brazil. Hindisahan ayaa soo jeedinaya in la soo afjaro dagaalka, iyadoo loo marayo shir dib u heshiisiin ah oo la qabto waqtiga ay si wadajir ah u oggalaadaan Ruushka iyo Ukraine,kuwaaso soo dhaweeyay qaab dhismeedka nuxurka xalka siyaasadeed ee lagu joojinayo dagaalka.
Diblomaasiga ugu sarreeya Shiinaha , wuxuu inta ku daray in illaa 45 dal oo kalana ay soo dhaweeyeen hindisaha lagu joojinayo dagaalka Ukraine iyo Ruushka.