Heemaal News Network

Shiinaha Oo soo Dhoweeyey Go’aan ka Dhan ah Taiwan Ee kasoo Baxay Somalia

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Guo Jiakun ayaa si diiran u soo dhoweeyey go’aanka dowlada Soomaaliya ku diiday in muwaadiniinta Taiwan booqdaan Soomaaliya

Guo Jiakun ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay qaaday go’aan ay ku ilaalineyso madax banaanida & midnimada dalkeeda ayna ku saxan tahay talaabada ay qaaday.

“Somaliland waa qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya. Shiinuhu si buuxda ayuu u taageersan yahay dadaalka dowladda federaalka Soomaaliya ee ilaalinta midnimada dhuleed, madaxbannaanida, iyo xasilloonida. Wuxuuna si cad uga soo horjeedaa xiriir kasta oo rasmi ah ama iskaashi u dhexeeya Taiwan iyo Somaliland” ayuu yiri afhayeenka

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri” Tani waa tallaabo sharci ah oo Soomaaliya ay qaadday si ay u ilaaliso xuquuqdeeda iyo danaha qarankeeda. Waxay muujinaysaa sida Soomaaliya uga go’an tahay mabda’a hal-Shiine, taas oo Shiinuhu si weyn ugu ammaano. Waxaa jira hal Shiine oo keliya caalamka, Taiwan-na waa qayb aan ka go’in oo ka tirsan dhulka Shiinaha. Dowladda Shacabka Shiinaha ayaa ah dowladda kaliya ee si sharci ah u matasha Shiinaha oo dhan.” ayuu intaas ku daray