Wasaaradda amniga ee Shiinaha ayaa sheegtay in ay dhawaan heshay kiis basaasnimo ah oo ay ku lug lahaayeen muwaadiniin u dhashay dalka Filibiin oo fadhigoodu yahay Shiinaha, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Xinhua.
Saddexda qof – David Servañez, Albert Endencia iyo Nathalie Plizardo – ayaa Filibiin ay shaqaaleysiisey tan iyo 2021 si ay hawlo sirdoon oo qarsoodi ah uga fuliyaan Shiinaha, warbixinta ayaa lagu sheegay , sida ay ku warrantay shabakadda Bloomberg.