Heemaal News Network

Shil Gaari oo Naxtin leh Dad badana ku dhinteen Oo Goordhaw ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Gaari weyn oo nuuca xamuulka qaada ah ayaa goordhaw ku bareeg goostay laamiga mara dhabarka dambe ee xerada ciidamada cirka ee Afisiyooni, waxaana shilkan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay gaariga bareeg goostay ayaa la sheegay in uu ku dhacay uuna dul maray gaari nuuciisa lagu sheegay Surf iyo sidoo kale mooto bajaaj waddada mareysay, waxaana dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii saarnaa gaariga iyo mootada.

Inta la xaqiijiyay shan qof ayaa ku dhintay shilkan goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho , waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale oo dad ah ,kuwaa oo loola cararay xarumaha caafimaadka si loola tacaalo xaaladooda.

Ciidamo katirsan kuwa nabad galyada waddooyinka iyo kuwa booliiska ayaa u gurmaday dadka ay waxyeelada kasoo gaartay shilka, waxaana goobjoogayaal tagay halka shilku ka dhacay sheegeen in halkaasi waxa ka dhacay aad u argagax badnaayeen.

Shilkan ayaa imaanaya xilli isbuucyo kahor shil kale oo laga naxay uu ka dhacay Muqdisho, kaddib markii gaari weyn oo nuuca xamuulka qaad ah ku rogmaday gaari caasi ah, waxaana shilkaasi isna ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.