Shirweynahan ka furmay magaalada Doha, ayaa sannadkaan diiradda lagu saarayaa arrimo dhowr ah ay kamid yihiin horumarinta Caafimaadka dalalka ku mideysan WHO/EMRO, iyadoo Soomaaliya ay ka tahay xubin firfircoon.
Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr Cali Xaaji Adam ayaa khudbad uu jeediyay kaga hadlay dadaalada ay dowlada Soomaaliya ugu Jirto horumarinta caafimaadka iyo caqabadaha ka jira meelo kala duwan.
Wasiirka ayaana madaxda gobolka ku baraarujiyay in gurmad caafimaad oo deg deg ah la gaarsiiyo dalalka ay shaqaaqooyinku ka jiraan oo ay ka mid yihiin Sudan, Lebanon, Gaza iyo Yemen, dalalkaasi ay ka jiraan colaado iyo xaalado kale oo adag.