Wasiirka Amniga Gudaha ayaa u tagey Dhuusamareeb shirka sanadlaha ah ee wadatashiga horumarka amniga, kaas oo ay ka qeyb galayaan wasaaradaha Amniga iyo Talisyada Booliska dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka.
Shirka oo furmaya maalinta berri ah, ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa, isla markaana looga wadatashanayaa arrimaha hortebinta u leh horumarka amniga, xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida dalka.
Wasiirka Amniga Gudaha, iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa kulan horudhac ah la qaatay Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid.