Heemaal News Network

Shir Xasaasi ah Oo ka Ddhacay Xafiiska Raisul Wasaaraha dalka

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Kamaal Guutaale , ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo loogu diyaar garoobayo shirweynaha wadatashiga Tiirka Adkeysiga Cimilada ee Qorshaha Isbedelka Qaran.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo gorfeyn lahaa qorshaha lagu wajahayo isbedelka cimilada ee dalka, iyadoo la isku diyaarinayo shirweyne wadatashi oo lagu falanqeyn doono arrintan muhiimka ah.

Sidoo kale waxaa lagu lafa-guray aragtiyo iyo talooyin muhiim ah oo la xiriira sidii loo horumarin lahaa qorshaha qaran ee ka hortagga saameynta isbedelka cimilada, iyadoo laga duulayo baahiyaha iyo caqabadaha jira.

Shirweynaha wadatashiga ee la qorsheynayo ayaa ah mid muhiim u ah mustaqbalka deegaanka iyo horumarka waara ee dalka.