Heemaal News Network

Shirka Golaha Wasiirada SSC Khaatumo Oo Go’aano Laga soo Saaray.(Sawiro)

Laascaanood, 01/05/ 2025 – Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo Md. Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa shir guddoomiyey kulankii todobaadlaha ahaa ee golaha wasiirrada.

Ugu horrayn guddi hoosaadyada golaha ayaa ka warbixiyey xaaladaha guud ee deegaanka sida amniga, dhaqaalaha iyo Siyaasadda.

Sidoo kale golaha ayaa go’aamiyey in maanta wixii ka dambeeyey magaca maamulka KMG SSC-Khaatumo loo bedelay DAWLAD GOBOLEEDKA SSC-KHAATUMO, SOOMAALIYA.

Si waafaqsan axdiga ku meelgaadh ah ee SSC-Khaatumo, kaas oo faraya in muddo labo sano ah ka laga guuri doono KMG oo la noqon doono dawlad goboleed dhammaystiran.

Sidoo kale waxaa guulaystay dhammaan dedaalladii xukuumaddu ugu jirtay dhammaystirka.

Ugu dambayn safarkii #Socdaalmidnimo ee Raysal Wasaaraha xukuumadda Danqaran ku timi deegaanka SSC-Khaatumo, si buuxda loogu dhawaaqay Dawlad goboleedka SSC-Khaatumo.

Sidaas darteed goluhu waxa uu go’aamiyey in magaca saxda ahi noqdo DAWLAD GOBOLEEDKA SSC-KHAATUMO, dhanka kale goluhu wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee dawladda in ay isticmaalaan magaca cusub ee dawlad goboleedka SSC-Khaatumo.

-DHAMMAAD-