Shirkadda hubka fudud soo saarta ee Ruushka , Kalashnikov waxay markii u horreysay ku soo bandhigi doontaa Abu Dhabi qoryaha cusub ee AK-12K iyo AK-12SK , inta lagu jiro bandhigga IDEX-2025 ee furmaya bisha February.
AK-12K , waxaa lagu sheegay inuu yahay qorigii ugu sarreeyay ee nooca AK ee ay soo saarto Kalashnikov,waxaana lagu qalabeeyay ciidanka Ruushka bishii December, iyadoo isla markiiba ay dalbatay wasaaradda arrimaha gudaha Ruushka , sabab la xiriirta qoriga waxaa loo dhisay hab loo diyaariyay inay adeegsadaan ciidanka gaarka ah, kaddib markii hoos loo dhigay culeyskiisa, waxaa kalo wax laga beddelay dhawaqa rasaasta oo hoos loo dhigay iyo inuu sare loo qaaday awooddiisa.
Dabcan, Kalashnikov iyo AK , wuxuu xasuus gaarka ah ku leeyahay Soomaalida oo deegaan walba uu yaallo , sidoo kale waa dambilaha ugu sarreeya ee daadiyay dhiiga Soomaalida..!