Heemaal News Network

Shirkii Golaha Wadatashiga Oo Mar kale dib u Dhacay iyo Villa Soomaaliya oo…

Waxaa maanta oo Isniin ah lagu waday in magaalada Muqdisho ka furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee isugu imaan lahaayeen madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Shirkan uu markii hore qorshuhu ahaa in uu qabsoomo 1-da bishan May, ayaa Xukuumadda Soomaaliya shaacisay in dib loogu dhigay ilaa 5ta bisha oo maanta ku beegan, mar kale ayuuna maanta shirkan furitaankiisa dib u dhacay, lamana sheegin sababta keentay.

Madaxda maamul goboleedyada dalka, ayaan wali soo gaarin magaalada Muqdisho marka laga reebo Madaxweynaha maamulka Khaatumo, lamana oga ilaa hadda xilliga rasmiga ah uu shirkan oo markii hore aan loo dhameyn uu qabsoomi doono.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin shirkan markii labaad dib u dhacay iyo sababaha keenay, sidoo kale ma sheegin xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Ra’isul Wasaaraha xilliga rasmiga ah uu shirkan furmi doono.

Shirkan , ayaa waxa ka qeyb geli doonin madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland oo khilaaf xooggan kala dhaxeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana guul dareestay dedaalo beesha caalamka ku dooneysay in ay shirka ka qeyb galaan madaxda Puntland iyo Jubbaland.