Kulankan oo lagaga dooday shaqooyinka hortebinta u leh golaha iyo samaynta guddi hoosaadka Golaha wasiirrada ayaa ugu danbayn lagu meelmariyey 4 guddi hoosaad oo kala ah:
1. Guddi hoosaadka Amniga iyo Difaaca ee golaha wasiirrada.
2. Guddi hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Golaha wasiirrada.
3. Guddi hoosaadka iskaashiga iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Golaha wasiirrada.
4. Guddi hoosaadka Kobcinta iyo Kor u qaadista Dhaqaalaha.
Ugu danbayn hoggaamiyaha ayaa guddi hoosaadyada Golaha Wasiirrada faray in ay dardargeliyaan shaqooyinka horyaalla isla markaana kusoo gudbiyaan qorshe hawleedkooda muddo kooban.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Madaxtooyada SSC-Khaatumo
Email: Info@ssckhaatumo.so