Sida lagu faafiyey war murtiyeedka shirka, waxaa la go’aamiyey in laga shaqeeyo qorshe cusub oo mar kale loola tago Trump si uu u keeno heshiis lala galo Ruushka oo lagu soo afjaro colaadda Ukraine. Go’aamada shirka waxaa kale oo ku jira in la xoojiyo taageerada milateri iyo tan dhaqaale ee Ukraine, isla markaasna la sii ballaariyo cunoqabateynta dhaqaale ee saaran Ruushka.
Yurub ayaa sheegtay in ay dammaanadqaadeyso ammaanka Ukraine laakiin ku dartay daamanada waa in Mareykanku qayb ka yahay. Mareykanka ayaa hore dhowr jeer ugu celceliyey in uusan marnaba ammaanka Ukraine damaanad ka noqon doonin.
Sida ka muuqata go’aamada shirka, Yurub oo weli rabta dagaal aysan taagteeda iyo tabarteeda hayn waxaa haysata laba kala daran mid dooro: Ruushka isku dhiib oo Ukraine meel cidla ah uga dhaqaaq, ama Trump iyo Mareykan isku dhiib oo Yurub iyo Ukraine isla wada tuur. Labadaas waxaa kaliya oo u dhexeeya, sida falaanqeeyayaasha siyaasaddu qabaan waa Yurub oo ku sii jirta ila meerayso iyo asbuuc walba shir kale oo degdeg ah.
Saas oo xaal yahay, welwelka maanta Yurub dul heehaabayaa waa, “Midowga Yurub ma sii jiri doonaa, NATO se goorma ayaa lagu kala tagayaa?”