Shirweynihii Beelaha Harti iyo Samaroon ee Laascaanood, ku yagleeleen Ururkii (USP) Juun 1959 shirkaasu Wuxuu dhacey Taariikh laga joogo 66 sano ka hor.
Waxaa Shirkaa isugu yimi Beelaha Harti ee Warsangeli iyo Dhulbahante iyo Samaroon waxaa marti gelisey Beesha dhulbahante wuxuuna ku dhamaadey guul iyo isafgarad.
Waxaa maahmaahi aheyd ;dhacdooyinka Taariikheed Waa soo noqnoqdaan”History repeats itself”.
Waxaan uga jeedaa warar lagu farxo ayaa lafilayaa iney labada beelood ee Harti waqooyi Waa Beesha Maxamud Harti( Warsangeli) iyo Beesha Siciid Harti(Dhulbahante) ay soo wada saaraan (Mutual understanding) oo ay kaga arinsanayaan Mustaqbalkooda Siyaasadeed siduu noqon doono.
Lana filayo inuu horseedi doono Horumar iyo Mustaqbal fiican waxaana intaa wixii kadameeya laysku arki doonaa shirweyne lagu yagleelo Masiir siyaasadeed oo kudhisan Awood qaybsi(Power Plance).
Labadaa beelood oo ah Beelo wax badan uu ka dhexeeyo leh strategy & Geopolitics siyaasadeed deris ah taasoo ubaahan in wax badan ay kamidoobaan.
Ayaa inta badan loo kala sheekeeyaa lagana dhexkaluumeystaa Soomaalidu waxey tiraa Reer guura raac iyo caruur waa loo kala sheekeeyaa ismana arkaan, waxaan filayaa jiilka cusub ee hogaamada labada beelood iney kawarqabaan siyaasada qaybiyoo xukun ee lagula dhaqmo ee laga bartey Gumeystihii reer yurub.
Waxaa kaloo Nasiib daro ahaa oo labadan Beeleed ee halgankii iyo xornimadii Soomaaliya qayb weyn ka ahaa Dawladihii soo marey dalka ay kaga duwanaayeen derisyadooda ugama tegin wax Hanti maguuraana(infrastructure)
sida;Dekado Waa weyn iyo Wadooyin halbawlayaala hadii ay dhacdey Dawladii dhexena wixii wadanku lahaa waxaa sheegtey Beelo.
Hadii International Community uu caawimo siinayey Somalia Marti bay ka ahaayeen lamana siin xaqoodii,waana mid maanta degaanadooda uga dib dhacsan yihiin degaanada kale dhafoorkoodana ka muuqata.
Hadii 1959 Garaad Maxamud Cali shire (AUN) uu arkayey in lawada yeesho Mustaqbal siyaasadeed Aqbaleyna wixii kasoo baxey Golkhaatumo iyo yagleelidii ururkii USP.
Maanta oo Soomaaliya Dawladnimadeedii saqiirtey layskuna muquuninayo sandareerada ay bixiyaan international community aduunku Waa daruuri in degaanadaa labada reer iskutashi kayeeshaan Mustaqbalkooda siyaasadeed ee aan aheyn mid kudhisan idaba soco ee aan isla socono.
Waxaa qorey
Eng Alinuur