Israa’iil ayaa si rasmi ah u sheegatay toddobaadkii hore dilka Haniyah, markii uu hadalkan sheegay wasiirka difaaca Israa’iil, kaddib muddado dheer oo ay ka aamuseen.
Waatan nuxurka warbixinta la soo bandhigay;
Howlgalka waxaa si taxadar leh u fuliyay wakiillada Mossad, oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa Haniyah oo Tehran u tagay si uu uga qeybgalo caleema-saarkii madaxweynaha Iran. Howlgalka waxaa lagu fuliyay walxaha qarxa oo lagu xiray sariirta qolka la dejiyay Haniyah, halkaa oo loo dejiyay inay tahay goob si weyn amnigeeda ay u ilaaliyaan ciidanka ilaalada kacaanka Iran, balse taasi kama hortagin inay Mossad beegsato Haniyah oo ay ku disho walxaha qaraxa oo laga hortagay inay saameyn ku yeeshaan qeybaha kale ee dhismaha.
Mossad , waxay sheegtay inta uu socday howlgalka inay wajaheen wakiillada howlgalka fuliyay xaalad argagax leh, kaddib markii si lama filaan ah ay cilad ugu timid qaboojiyaha qolka la dejiyay Haniyah, taa oo suragal ka dhigi kartay in howlgalka uu fashilmo ama dib loo dhigo, haddii Haniyah uu qolka ka guuri lahaa ama laga beddeli lahaa , balse si dhaqso ah ayaa dib loogu hagaajiyay qaboojiyaha qolka, taa oo suragal ka dhigtay in howlgalka uu sii socda illaa ugu dambeyn la qarxiyay bambada oo uu ku dhintay Haniyah iyo ilaaliyihiisii gaarka ahaa, iyadoo aan waxba la gaarsiin qeybaha kale ee dhismaha oo ay degganaayeen saraakiil sare.