Heemaal News Network

Sirdoonka Israa’iil Oo Qiimeyntii Ugu Denbeyay ku Sameeyay Weerarka Iran Uga Iman kara

Sirdoonka Israa’iil ayaa qiimeyntii u dambeeyay ku sheegay inay Iran qaadatay go’aanka ah inay weerar toos ah ku qaado Israa’iil, si ay uga jawaabto dilka madaxii siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniyeh.

Sirdoonka ayaa sheegay in weerarka la filayo inuu dhaco xilli hore oo ka soo hormari karta 15 bishan Agoosto, xilliga loo ballamay inay furmaan wada-hadallada lagu raadinayo xabbad-joojinta Qasa, sida ay shabakadda Axios ka soo xigatay labo sarkaal oo Israa’iil ah.