Heemaal News Network

Sirdoonka Israa’iil Oo Sheegay inay Fashiliyeen Weeraro Laga soo Abaabulay Turkiga

Hay’adda sirdoonka gudaha Israa’iil ee Shin Bet iyo Booliiska Israa’iil ayaa hadal wadajir ah oo ay soo saareen , waxay ku sheegeen in Turkiga laga soo abaabulay howlgal fashilmay oo 18 bishii Agoosto ka dhacay Tel Aviv, kaddib markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu qarxay.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegtay inuu qaraxu ka dhacay goob aan ahayn halkii loo qorsheeyay, waxaana Warbixinta lagu sheegay in ninka tuhmanaha ee howlgalkan fuliyay uu xiriir la sameeyay sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas, kuna sugan Turkiga, iyagoo sheegay xarumo ay Xamaas ku leeyihiin dalka Turkiga in lagu diyaarinayo weerarro ka dhan ah Israa’iil.

Madaxweynaha Turkiga, Erdogan ayaa kulan dadweyne uu ka hadlayay ka sheegay; “Ciddii aan ogeyn khatarta Israa’iil ayaa ku soo wajahan Turkiga.”

Dhanka kale Ruushka ayaa sheegay inan la shaacin doonin nooc kasta oo heshiis is difaac oo u dhaxeeya Moscow iyo Tehran , sida laga soo xigtay Kremlin — xilli ay soo baxayso labada dal inay ku dhowyihiin inay gaaraan heshiis iskaashi difaac oo istiraatiji ah , kaa oo ay qodobbada ku jira ay ka mid noqon karto inay labada dal si wadajir ah uga jawaabaan haddii ay weerarro la kulmaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa markii u horreysay ku dhawaaqay inay joojiyeen nooc kasta oo ay wada-hadal kula geli karaan Mareykanka illaa laga joojiyo dagaalka ay bariga dhexe Israa’iil ka wado.