Heemaal News Network

Somalia Iyo Qaramada Midoobay Oo ka Wada-hadlay Shan Qodob..(Sawiro)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya oo Kulan La qaatay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta kulan muhiim ah xafiiskiisa kula qaatay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Agaasimaha fulinta ee Hay’adda UNOPS, Mudane Jorge Moreira da Silva.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Hay’adda UNOPS, gaar ahaan dhinacyada isbeddelka cimilada, amniga, caafimaadka, tamarta, iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay kor u qaadida taageerada farsamo iyo dhaqaale ee UNOPS ay siiso Soomaaliya, si loo dardargeliyo dadaallada dowladda ee ku aaddan horumarinta adeegyada bulshada iyo xasilloonida dalka.