Heemaal News Network

Somalia Oo ka Qeyb-galaysa Shirka Caalamiga ah Ee Global Gateway for Education.(Sawiro)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium uga qaybgalay shirka caalamiga ah ee Global Gateway for Education.

Shirkan oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Yurub, ayaa looga hadlay iskaashiga waxbarashada ee heer caalami, ahmiyadda waxbarashadu u leedahay kobcinta Iyo horumarinta aadanaha.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa dood-wadaag ka qeybgelay intii uu socday shirka isagoo kalmad dad badan soo jiidatayna madasha ka jeediyey. Waxa uu si kooban uga sheekeeyay dadaalka labadii sanno ee la soo dhaafay ay XFS ku bixisay horumarinta waxbarashada, iyadoo miisaaniyadda dakhliga gudaha 9.5% loo qoondeeyay waxbarashada sannadkan 2024.

Wasiirku waxa uu sidoo kale dulmaray qorshaha dawladda ee la xiriira kobcinta tirada macallimiinta ka shaqeeya waxbarashada guud (dowladda), waxa uuna sheegay in kadib markii wajigii koowaad ee xulashada, tababarridda iyo shaqaaleysiinta macallimiintu guul ku dhammaday, dowladda Soomaaliya ay u tabaabusheysaneyso qaadashada 3000 Macallin oo cusub ah toddobaadyada soo socdo.

Tiradani waxa ay qayb ka tahay qorshaha xukuumadda Dan Qaran oo lagu hiigsanayo in la gaarsiiyo tirada macallimiinta dugsiyada dadweynaha ka shaqeeya10,000, Sannadka 2025.

Intii uu shirku socday, wasiirka ayaa kulamo la yeeshay Madaxa Iskaashiga Caalamiga ah ee Midowga Yurub, wasiirrada Horumarinta Belgium iyo Wasiirka Waxbarashada Finland, ku xigeenka xoghayaha guud ee Qarammada Midoobey u qaabilsan arrimaha horumarinta bulshada iyo saraakiil sare oo ka tirsan Midowga Yurub. Wafdiga wasiirka waxaa ku wehliyay Safiirka soomaaliya u fadhiyo Midowga Yurub iyo Agaasimaha Guud ee Waxbarashada.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Gudomiyihii Maxkamaddii Xukuntay Dilka Jeneralo Uu ka Midka ahaa Salaad Gabayre Oo Geeriyooday

Heemaaln

Xasan Sheekh:-“Iskaashiga Africa Iyo Talyaaniga ka Shaqayn karo Hadii Dal Africa ah Uu ku Xadgudbo..(Sawiro)

Heemaaln

Lugahooda Ayey Ku Waayeen Dagaaladii Laascanood Balse Wali Difaaca Ayey Ku Jiraan

Heemaaln