Shirka waxaa sanadkan looga hadlayaa ka faa’iidaysiga sayniska, teknoolojiyada iyo hal-abuurka (STI) si loo helo mustaqbal nabdoon oo waara,waxaana madaxa ka qeyb galeysa shirka inta uu socdo is-weydaarsan doonaan aragtiyadooda ku aadan mowduuca shirka iyaga oo talooyinkooda ku biirin doona.
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo khudbad ka jeedin doona shirka ayaa waxa uu kaga hadli doonaa xaaladda guud ee Dalka iyo guulaha dowladu ay ka gaartay la dagaalanka Argagaxisada, aminga guud ee Dalka iyo sidoo kale horumarka jira.