Heemaal News Network

Somalia oo saxiixday Heshiiska ๐‚๐ฅ๐ข๐ฆ๐š๐ญ๐ž ๐‘๐ž๐ฌ๐ข๐ฅ๐ข๐ž๐ง๐ญ ๐€๐ ๐ซ๐ข๐œ๐ฎ๐ฅ๐ญ๐ฎ๐ซ๐ž.(Sawiro)

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Danjire Khadiija Maxamed Al-makhzoumi ayaa qeyb ka saxiixday Heshiiska Maalgalinta ee Mashruuca u adkaysiga Isbeddelka Cimilada beeraha ee Soomaaliya, โ€˜๐‚๐ฅ๐ข๐ฆ๐š๐ญ๐ž ๐‘๐ž๐ฌ๐ข๐ฅ๐ข๐ž๐ง๐ญ ๐€๐ ๐ซ๐ข๐œ๐ฎ๐ฅ๐ญ๐ฎ๐ซ๐ž ๐ข๐ง ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐š.โ€™

Heshiiskan waxaa ansixisay Sanduuqa ๐†๐ซ๐ž๐ž๐ง ๐‚๐ฅ๐ข๐ฆ๐š๐ญ๐ž ๐…๐ฎ๐ง๐ (๐†๐‚๐…).

Wasiir Khadiija ayaa uga mahad celisay cid walba oo gacan ka gaysatay in halkan la soo gaaro.

Mashruucan ayaa bilow u ah dedaalka ay Dowladda Soomaaliya xal-waara ugu heleyso xaaladaha daran ee isbeddelka cimilada, cunno yarida iyo saboolnimada.

๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ayaa ๐ฅ๐จ๐จ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ dhowaan ๐Œ๐š๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐œ๐ข๐ข ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ก๐จ๐ซ๐ž๐ž๐ฒ๐ž๐ฒ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐š๐ก ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ฌ๐š๐ซ๐ž ๐ฎ ๐ช๐š๐š๐๐ข๐๐๐š ๐€๐๐ค๐ž๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐‚๐ข๐ฆ๐ข๐ฅ๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada JFS, Khadija Mohamed Al-makhzoumi iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa ka qeybgalay Kalfadhiga 40aad ee Guddiga Sare ee Sanduuqa Green Climate Fund.

Kalfadhigan oo lagu qabtay magaalada Seoul ee dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta lagu ansixiyey $100 Malyuun oo Doollar taasi oo lagu fulinayo Mashruuc kor loogu qaadayo Adkeysiga Cimillada ee Bulshada Soomaaliyeed.

โ€œTaariikh ayey aheyd maanta kadib markii uu mashruucani noqday kii ugu horeeyey ee gaar loogu ansixiyo dalka Soomaaliya iyo sidoo kale waa mashruucii ugu deg degta badnaa ee abid lagu ansixiyo kulanka Guddiga Sare ee GCF! , waxaana tani ay ku timid dadaalka Xukuumadda Dan-Qaran oo kaashaneysa bahwadaagta Caalamiga ah.