Heemaal News Network

Somaliland: Dadka la nool HIV/AIDS Oo walaac soo Foodsaaray kadib Xidhitaanka Hay’adda USAID

Kadib markii la joojiyay deeqihii uu Maraykanku ku bixin jiray gargaarka aadaminimo ee dunida saddexaad, waxa walaac soo food saaray guud ahaan dadka jilicsan, gaar ahaan dadka la nool HIV/AIDS ee Somaliland iyo meelo kale oo laga jaray lacagihii ay ku iibsan jireen dawooyinka.

Somaliland, dadka la nool xanuunkan oo tiradooda guud ahaan lagu qiyaaso 2,092 qof, ayaa soo wajahday cabsi, kadib markii Madaxa Hay’adda WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus, uu ku dhawaaqay in lacagaha gargaarka ee uu Maraykanku goostay ay masiibo u horseedi karto dadka la nool HIV/AIDS.

Dr. Mustafe Cabdilaahi Xuseen (Guraaye), oo ka mid ah dhakhaatiirta Isbitaalka Qaaxadda ee Hargeysa, oo BBC Somali u waramay, ayaa ka digay saameynta ay hakinta deeqaha Mareykanka ku yeelan karto bukaannada la nool HIV/AIDS iyo Qaaxadda.

Waxa uu xusay in dawooyinka bilaashka ah ee ay helaan bukaannadani ay muhiim u yihiin badbaadadooda, isla markaana la’aantood ay halis gali karto noloshoodu.

“Saameynta kale ee ka dhalan karta waxa ka mid ah oo suuragal ah, haddii dawooyinkaas la waayo, in tirada dhimashadu ay korodho, gaar ahaan dadka la nool HIV/AIDS, Qaaxada iyo Kaneecada, gaar ahaan dadka u nugul sida hooyada uurka leh iyo carruurta ka yar shan sano,” ayuu yidhi Dr. Guraaye.

Dadka la nool HIV/AIDS ee Somaliland waxay dawooyinka bilaashka ah ka helaan Ha’yadda Global Fund, oo maalgelisa daaweyntooda. Aamina, oo ka mid ah bukaannada, ayaa BBC-da u sheegtay inay ka walaacsan tahay yaraanta dawooyinka, iyadoo xarunta ay daawada ka qaadataa ku wargelisay in ay gabaabsi tahay.

“Dawada waxaan ka qaadan jirnay qaybta bukaan-socodka dadka la nool HIV/AIDS ee Isbitaalka Guud. Waxaa naloo sheegay in dawadu gabaabsi tahay, oo hay’adda lacagtii ka yaraatay, oo ilaa bishii hore dawooyinka sidii loo heli jiray aan loo helin,” ayey tidhi Aamina.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Xuseen Bashiir Xirsi, oo BBC-da la hadlay, ayaa sheegay in hakinta deeqaha Mareykanku saameyn yeelan doonto, balse ay ka diyaargaroobeen. “Saameyn badan way nagu yeelanaysaa, laakiin macnuhu maaha dadkii bukaannada ahaa ayaa dawooyinkii waayaya, waan diyaar garownay,” ayuu yidhi.

Hay’adda USAID, oo dhawaan uu maamulka Trump albaabada iskugu dhuftay, ayaa gacan weyn ka gaysan jirtay guud ahaan deeqaha lagu kabo caafimaadka iyo gargaarka muhiimka u ah nolosha dad badan oo ku nool dunida saddexaad.