Heemaal News Network

Somaliland Oo Beenisay iney Khalkhal gelisay Hawada Somalia, Eedeyna u Jeedisay..(Akhriso)

Somaliland ayaa beenisay in ay wax khalkhal gelin ah ku sameysay Hawada Soomaalida, iyadoo war been ah ku tilmaantay wararka kasoo baxay dhinaca dawladda Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay heyadda Duulista Somaliland ayaa taas bedelkeed dawladda fedaraalka ee Soomaaliya ku eedeysay iney ka dambeysay arrintaas ayna qaadday tillaabo “masuuliyad darro ah” oo ku aaddan hawada Soomaaliya.

“Dawladda Soomaaliya waxay halis galinaysa nolosha kumanaan ku duula hawada Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo si masuuliyad darro ah ugu dhawaaqayso isu-socodka hawada. Tallaabo degdeg ah oo ka timaadda ICAO waa lagama maarmaan si looga hortago masiibooyinka hawada ee ka dhalan kara jaahwareerka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Tan ayaa imaanaysa iyada oo shalay ay Dowladda Soomaaliya sheegtay in diyaarad ku socdaalaysa hawada Soomaaliya xog qaldan laga siiyey Hargaysa taas oo ku keentay jahwareer kooban ka hor inta aan lagala hadlin Muqdisho.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA SOMALILAND OO ENGLISH AH

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Somaliland Oo soo Dhawaysay Hadalkii R/W Itoobiya Ee Uu kaga soo Horjeestay Midnimada Somaliya

Heemaal

Jubaland Oo Gacanta ku Dhigtay Shabakad Dad ka Tahriibinaysay Kismaayo.(Sawirro)

Heemaaln

Somalia Oo ka Qeyb-galaysa Shirka “World Governments Summit”.(Sawirro)

Heemaaln