Heemaal News Network

Somaliland oo Eedeyn layaab leh u jeedisay Dawlada FS

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in hadalka ka soo yeedhay Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse ahna la taliyihii hore ee dhinaca amniga ee Madaxweynaha Soomaaliya uu gudbinayey farriin uu ka siday Xukuumadda Soomaaliya oo lagu muujinayey xidhiidhka ay la leedahay kooxda Alshabaab.

Wasiir Maxamed Kaahin wuxuu sidaas ku caddeeyay farriin uu ku baahiyay barta X (Twitter) , waxaanu tilmaamay in waraysiga uu BBC-da siiyay Cabdi Siciid Muuse uu ka markhaati kacay cilaaqaadka ka dhexeeya xukuumadda Soomaaliya iyo Kooxda Alshabaab oo in badan Xukuumadda Somaliland uga digtay xiriirkooda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland wuxuu xusay in Soomaaliya ku fashilantay inay dhicisayso heshiiska is-faham ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya, iyadoo taas beddelkeeda ku marmarsoonaysa inay cirib tirayso Alshabaab, waxaanu ku dooday in la dagaalanka kooxdaas argagixiso ay ka go’an tahay oo kaliya ciidammada dalalka jaarka ah sida Ethiopia, Kenya iyo Ciidanka nabad ilaalinta ee ATMIS oo uu xusay in loo baahan yahay in lagu bogaadiyo dedaalkooda.

Wasiir Maxamed Kaahin wuxuu iftiimiyay in waraysiga uu bixiyay masuulkaas ka tirsanaa Soomaaliya uu qiray macluumaadkii Somaliland hore caalamka ugu sheegi jirtay sannado badan ka hor, ee ku wajahnaa in albaabada xukuumadda Muqdisho iyo kuwa Alshabaan isku furan yihiin oo middiba midka kale aanu doonayn in meesha laga saaro.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxa uu intaas ku daray in caalamku bilaayiin doolar ku bixiyay la dagaalanka kooxdaas, hase yeeshee ay door aad u yar ka qabatay Dawladda Soomaaliya la dagaallanka argagixisada, taasi oo beesha caalamku ku daashay dhinacyadan iskaashigu ka dhexeeyo ee isku milmay.