Eedaysanaha ayaa ku gafay xeerka nabadgalyada Waddooyinka qodobadiisa kala ah 57 , 75 , 79 iyo 74 , waxaanu sidoo kale ku gafay xeerka ciqaabta guud qodobkiisa 167. Eedaysanayaha waxa degdeg loo horgayn doonaa Hay’addaha garsoorka JSL.
Taliska Ciidanka Booliska JSL , waxa uu digniin u dirayaa darawallada ku shaqaysta booyadaha iyo guud ahaan wadayaasha baabuurta inay ka waantoobaan arrimaha noocan oo kale ah , haddii ay joojin wayaan waxa laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay Booliska Somaliland.

