Wasaaradda arrimaha dibada ee Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartey caawa waxay ku sheegtay in hadalkaasi yahay mid laga xumaado, sidoo kalena heshiiska badda ayay ku tilmaamtay mid tiir dheexaad u ah xasiloonida gobolka iyo iskaashiga dhaqaalaha gobolka.
Waxa ay ugu baaqday dawladda Masar inay ixtiraamto madax-banaanida iyo jiritaanka Somaliland, sidoo kalena xoogeeda iyo dadaaladeeda diblomaasiyadeeda ay kaga shaqayso xalinta xasaradaha ka taagan xuduudaheeda sida Liibiya, Sudan, Falastii iyo Lubnaan.