Heemaal News Network

Somaliland Oo Jawaab Adag ka Bixisay Qoraal Dawlada Somaliya Mar kale ku Diiday Heshiiska Bada

Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay hadal dhowaan ka soo yeedhay xukuumadda Muqdisho,kaas oo ku saabsanaa heshiiskii is afgarad ee ay wada saxeexdeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Ethiopia.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu sheeay in heshiiska is afgarad ee ay wada saxeexdeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Ethiopia uu ku qotomo iskaashiga dhinacyada wadaaga danaha labada dal,sida amniga,ganacsiga,horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha,waxaana war-saxaafadeedkan lagu sheegay in heshiiskani yahay mid go’aan madaxbannaan oo ay gaadheen laba waddan oo madaxbannaani,isla markaana aan u baahnayn oggolaanshaha dhinac saddexaad.

Waxa sida oo kale war-saxaafadeedkan ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland lagu sheegay in isfahamkan ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Ethiopia salka ku hayo is-ixtiraam iyo rabitaanka wada jirka ah

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Soomaaliya oo Warbixintii Ugu Horreysay 34 sano kadib u Gudbisay Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ee QM

Heemaaln

“Waa in Miisaaniyada wax Loogu Daraa Dadka Xamar u Shaqo tagey Ee Somaliland ka…” Xil Timo-jilic.

Heemaaln

Somaliya : In ka badan 50 Qof Oo u Geeriyootay Cudurka Daacuunka.

Heemaaln