Heemaal News Network

Somaliland Oo Khalkhalisay dayaarad Ku Sii Jeeday Magaalada Muqdisho

Ilo ka tirsan ha’yadda duulista rayidka Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in Soomaaliland ay qaaday dhawr tallaabo oo ay ka mid yihiin in ay shiday qalabka VHF oo ah mid loo isticmaalo in lagula xariiro diyaaradaha maraya hawada Soomaaliya kaas oo horey u yaallay magaalada Hargaysa.

Inkasta oo qalabkaasi muddo yaallay garoonka magaalada Hargaysa, balse ma ahyan mid la isticmaalo waxaana diyaaradaha laga xariir jiray midka yaalla garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho.

Qalabka VHF ayaa waxaa Soomaaliland uu suurtagaliyay in ay xariir la sameeysay diyaarado marayay hawada Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin diyaarada Qatar Airweys iyo kuwa kale.

Dhanka Hargeysa ayaa warar aan ka helayno waxa ay sheegayaan in xogo aan rasmi ahayn lala wadaagay diyaaradahaas.

Balse xiriiro aan la sameynay maamulka garoonka Hargeysa si aan wax uga weydiino ayaan noo suuragalin.

Duulimaad ay sameyneysay diyaarada Qatar Airweys oo ka timid dalka Jabuuti una socotay magaalada Muqdisho “ayaa laga hadlay taawarka garoonka Hargaysa waxaan loo sheegay in uu xiran yahay garoonka Muqdisho”, ayay sheegeysaa xogta aan ka helnay hay’adda Duulista ee Soomaaliya. Arrintaas ay khalkhal ku aburtay diyaarada sida ay BBC-d u xaqiiyiyeen saraakiil ka tirsan ha’yadda duulista rayidka Soomaaliya.

Qatar Airweys ayaa markii danbe laga hadlay taawarka garoonka Muqdisho iyada oo si nabada ku gaartay halkaas, wallow arrintaas ay walaac xoogan diyaarad ka muujisay, sida aan xogta ku helnay.

Sidoo kale laba diyaaradood oo isticmaalayay hawada Soomaaliya ayaa xariir lagala sameeyay taawarka Hargaysa, iyada oo labada diyaaradood la mariyay laba khad oo aad isku dhaw, taas oo khatar ku ahyed amniga labada diyaaradood.

Khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Soomaliland ee ku saabsan maamulka hawada ayaa sii xoogaysanaya, kadib markii Jamuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa ka digtay in cawaaqibka ka dhallan kara arrimaha muranka hawada ay masuuliyadeeda iyadu yeelan doonin.

Warkaas ayaa dad badani u arken in uu yahay hanjabaad ay dirayso Somaliland.

Kadib bayaankaas ay soo saartyay Somaaliland, waxaa dad badan ay is waydiinayen tallabada ay Soomaaliland qaadi doonto.

Dhanka kale xog aan ka helnay xubno ka tirsan ha’yadda duulista rayidka Soomaliya ayaa sheegay in mas’uulliyiinta Hay’adda duullimaadyada Soomaaliya iyo Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan Hawada ee ICAO, ayaa maanta yeeshay kulan dhinaca fogaan arag ah (Zoom) ayga oo ka wad hadlay aririnta kusoo korortay Hawada.

Shirka ayaa la sheegayin uu daba socodo dhacdooyinkii diyaaraduhu soo gudbiyeen oo ah cabashooyin la xiriira amarro kala duwan oo laga kala siiyay Muqdisho iyo Hargeysa.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa war qoraal ah oo ay horey u soo saartay waxaa lagu sheegay in aysan waxba iska beddelin mid ahaanta iyo maamulka hawada Soomaaliya, ayna masuul ka tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

“ Hawada dalkeennu waxay leedahay magac soo jireen ah kaas oo la isticmaali jiray laga soo billaabi 1960; “MOGADISHU FLIGHT INFORMATION REGION (FIR).” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka.

Khubarada ku taqaqusay duulimaadyada rayidka ah ayaa ka dagiya cidda ay ku dul dhici doonto masuuliyadda xogaha khakdan ee lala wadagaayo duulimaadyada.

Maxamed Abukar ayaa BBC da u sheegay in nidaamka hawada ee dawladahu uusan ahayn mid maamulkiisu isqabqabsi iyo fawdo qabali kara, maadaama uu yahay adeeg caalami ah oo ay ku tiirsan yihiin duulimaadyo isaga kala goosha daafaha dunida, kuwaas oo ay saaran yihiin kumanaan dad ah iyo badeecooyin markiiba.

“Hawada wax lugu goolaaftamo oo ay dowladda Sooomaaliya iyo Somaliland ku goolaaftamaan way ka wayn tahay…la socodkeedana aduunyada waxay u xilsaaratay hay’ad caalami ah oo Qaramada Midoobey hoos timaado,” ayuu yiri Mr Maxamed.

Tan iyo markii dowladda federaalka ee Soomaaliya ay si rasmi ah ula wareegtay maamulka hawada dalka dhamaadka sanadkii 2017-kii waxaa markii horeysay ee wallac noocaan ah laga muujisyo hawada Soomaaliya.

Somaliland ayaa ku eedaysay dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya in aysan daacad ka ahayn fulinta heshiiskii maamulista hawada ee lagu saxiixay dalka Turkiga sanadkii 2014-kii .

Wufuud labada dhinac ka socota iyo hay’adda caalamiga ah ee duulista hawada ayaa sanadkii 2015-kii kulan ku yeeshay Nairobi Balse wufuudii Somaliland ayaa isaga baxay shirka kaddib markii ay sheegeen in shirkaasi lagu soo bandhigay qabya qoraal aan waafaqsanayn heshiiskii Turkiga.

Dowladda Soomaaliya oo in muddo ah ku howlaneyd sidii ay ula soo wareegi laheyd maamulka hawada taas oo ugu danbeeyn hergashay sanadkii 2017-kii.

Xigasho BBC

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Abiy Oo Qaboojiyey Cabsida Laga Qabo Dagaal ay la Galaan Somaliya.

Heemaaln

Somalia Oo ka Qeyb-galaysa Shirka “World Governments Summit”.(Sawirro)

Heemaaln

Maxaa ka soo Kordhay Xeerarkii Doorashooyinka Somaliland ee Khilaafku ka Taagnaa

Heemaal