Heemaal News Network

Somaliland oo si Ballaadhan ugu Mahadcelisay Xildhibaan ka Tirsan Senateka Maraykanka

Hargeysa()-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa bogaadiyay xildhibaan James E. Risch oo ka tirsan golaha Senateka Maraykanka oo taageeray dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka isa saarka ah ee madaxtooyada iyo ururradda siyaasadda ee loo cayimay inay Somaliland ka qabsoomaan 13ka November 2024.

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland waxa uu farriin uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka ee SOLNA, uu ku sheegay in Somaliland tahay laambada dimuqraadiyadda Afrika.

Qoraalka madaxweyne kuxigeenku waxa lagu yidhi “Anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda Somaliland waxaan James E. Risch oo ka tirsan guddida xidhiidhka dibadda ee Senateka Maraykanka u gudbinayaa sidaan ugu faraxsan nahay farriintaada taageerada ah.”

“Arrintaasi oo muujinaysa farqiga u dhexeeya Somaliland oo ah xiddigta dimuqraadiyadda Afrika iyo Soomaaliya oo ah qaran fashilmay,” ayuu yidhi Madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).