Heemaal News Network

Somaliya: “Heshiiska Somaliland & Itoobiya wuxuu ka Dhigan yahay Iclaamin Dagaal”

Itoobiya ayaa sheegtay in ay aad uga niyad jabtay hadal ay uu ergeyga dawladda Soomaaliya ka jeediyay kulanka Qaramada Midoobay, kaasoo uu ku sheeay in heshiiskii is afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya uu la mid yahay iclaamin dagaal.

Ergeyga Itoobiya ee Qaramada Midoobay ayaa isna sheegay in hadalka uu argeyga Soomaaliya goobta ka jeediyay ay ka buuxeen “Been fara badan”.

Heshiiska bilowgii sanadkaan dhexmaray Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland iyo Itoobiya ee dhigaya in 20 kiilo mitir oo dhul badeed ah ay Itoobiya saldhig milatari ka samaysato ayaa si wayn uga caraysiiyay Soomaaliya, waxa uuna sababay xiisadda ka dhex dhalatay labada dal ee ilaa iyo hadda taagan.

Abuukar Cusmaan Baalle, ergeyga Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa intii uu socday shirkii Golaha Amaanka, waxa uu ku eedeeyay Itoobiya in ay qorsheyneyso in ay goosato qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya oo ay ka dhisato saldhig milatari.

Itoobiya ayaa ku eedeysay Soomaaliya in eedo aan dhamaad lahayn oo aan gar ahayn ay mar walba soo jeedinayaan madaxda Soomalaidu.

Itoobiya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay mar walba ku adkaysanayso in ay dooneyso in uu wanaagsanaado xiriirka labada dal ee walaalaha ah. Wasiirka difaaca ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay doonayo in kor loo qaado iskaashiga labada dal, si looga faa’iido danaha ka dhaxeeya ee isaga xiran.

Laakiin safiirka Itoobiya ee hayadda Qaramada Midoobay ayaa qiray, in heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray dalkiisa iyo Somaliland oo aysan aqoonsanayn wadamada caalamku uu yahay mid ugub ku ah dhaqamada caalamiga ah ee la yaqaano.

Balse wuxuu sheegay in uu la mid yahay heshiisyada dhexmara dawladaha ee fursadaha la isku siiyo badaha, ee kirada ah.

“Itoobiya ma dooneyso in ay cidna dhibaato u geysato,” ayuu yiri safiirka Itoobiya, isaga sheegay in heshiiska is-afgarad uu guul laba dhinac la ah u yahay labada dhanba, Itoobiyana siinayo fursad ay badda uga faa’iideysato.

Laakiin booska Soomaaliya ee arrintaan ayaa mar walba cadaa, sida ay horay uga dhawaajiyeen madaxweynaha iyo masuuliyiin kalaba.

Safiir Abuukar Baale ayaa ka dhex sheegay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, in tallaabooyinka ay ku dhaqaaqeyso Itoobiya ay yihiin kuwa horseedaya soo nooleynta argagixisada, sida ururka al Shabaab, sidoo kalana dhiirigalineysa kala qaybsanaanta qabiil ee ka jirta geeska Afrika.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

R/Wasaare Xamse Oo Shaaciyay in Gacan Aamin ah ku jiro Dastuurka Baaq-na u diray Mucaaradka

Heemaaln

Aabaha Dhalay Allaha Unaxariistee Luul Oo ka Hadlay Dhacdii Lagu Gubay Gabdhiisa

Heemaaln

Barnaamijka Dareenka Dadwaynaha Ee Difaaca Badda Lughaya

Heemaal