Heemaal News Network

Somaliya : In ka badan 50 Qof Oo u Geeriyootay Cudurka Daacuunka.

Waxaa aad walaac looga muujinaya faafista cudurka Daacuunka oo bilahii lasoo dhaafay ay u geeriyoodeen dad gaaraya 54 ruux oo ugu dhintay xanuunkaas meelo kala duwan oo ka mid ah Soomaaliya.

Todobaadkii ugu dambeeyay ayaa la xaqiijiyay in cudurkaan ay u dhinteen ilaa sagaal ruux oo u badan dadka ku nool xeryaha barakacayaasha.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in xanuunkan dadka uu soo ritay bilahii lasoo dhaafay iney tiradoodu gaartay 4300 qof oo u badan caruur.

Magaalooyinka ugu badan ee uu ka jiro cudurka Daacuunka ayaa la sheegay iney kala yihiin Muqdisho, Boosaaso, Garoowe iyo Baledweyne.

Waa tiradii ugu badneyd ee sanad gudahiisa uu soo rito xanuunkaan Daacuunka ah, waxaana haatan lasoo warinaya in lala talaacayo dad aad u badan oo la jiifa cudurkaan magaalooyin kala duwan oo ku yaala gudaha Soomaaliya.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Dowladda UK Oo Baabi’isay Deymihii ay ku Laheyd Dowladda Somaliya

Heemaaln

Xassan Oo U Safray Qaahira

Heemaal

R.Wasaare Xamse Oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlay ka Hortagga Dhibaato soo Korortay

Heemaaln