Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya Ambassador Misganu Arga ayaa kulan kula qaatay magaalada Addis Ababa Wasiiru Dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar waxaana shirkoodi diirada lagu saaray xoojinta iyo dhaqan gelin qodobadii kasoo baxay Shirkii ay Madaxda labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya ku dhexmaray Ankara 11kii Bishaan December.
Sida aan kasoo xiganeeyno Warbaahinta Itoobiya, labada Wasiiru dowle ayaa ka hadlay sharuudaha lagu xoojin karo xiriirka labada dal iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii Ankara kasoo baxay ay Dowladda Turkidu garwadeen ay ka ahayd.
Wasiiru Dowlaha dalka Itoobiya ayaa sheegay in la xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed si loo xaqiijiyo nabadda iyo barwaaqada Geeska Afrika.
Waxay muujiyeen rabitaankooda ah inay xoojiyaan xiriirka labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Arintaan waxa ay imaanaysaa iyadoo ay Dowladda federaalka ay ku eedeysay Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah kuwa ATMIS inay xadgudub ka geysteen degmada Doolow ee Gobolka Gedo, ayna dil iyo dhaawac iskugu dareen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidama Soomaaliya, waxaana saacadihii lasoo dhaafay baraha Bulshada is qabsaday carada ka dhalatay in Ciidamada Itoobiya ay askar Soomaali ah ku weerartay Degmada Doolow iyadoo Dowladuna ay ku guda jirtay sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku gaareen magaalada Ankara.