Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta labada dhinac ee ku aaddan arrimaha shaqada, oo ay ka mid yihiin horumarinta goobaha shaqada, ballaarinta tababarada iyo kor u qaadista fursadaha shaqada.
Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wadahadlay sidii loo dardargelin lahaa dadaallada lagu horumarinayo kobaca dhaqaalaha waara iyo horumarinta bulshada. Waxaa si gaar ah loo dul istaagay dib u eegista heshiis iskaashi labada dal.
Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar, ayaa horey u gaaray heshiisyo iskaaashi oo dhinacyo kala duwan, kuwaa oo hadda labada dowladood dib u eegis ku sameenayaan.