Heemaal News Network

Somaliya iyo Qatar Oo Saddex Arrin oo Muhiim ah kawada-hadlay

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Qatar u fadhiya Muqdisho, Dr. Cabdullaahi bin Salem Al Nuaimi, oo booqasho sharafeed ugu tagay.

Wasiirka iyo Safiirka Qatar , ayaa kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Wasaaradda , waxa ayna labada dhinac ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labo geesoodka ee labada dal, iskaashiga nacfi is-dhaafsiga iyo abuuridda fursado iskaashi oo qoto dheer.

Safiirka dowladda Qatar Dr. Cabdullaahi bin Salem Al Nuaimi, ayaa u ballanqaaday Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya in dowladiisa taageereyso Soomaaliya, ayna sii kordhinayaan taageerada ay horey u siin jireen.

Dowladda Qatar , ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, waxa ayna Qatar kaalin muuqata ka qaadatay dib u dhiska dalkeenna, waxa ayna dhaqaalo badan ku taageertaa dowladda Soomaaliya iyo maamulada qaar.