Heemaal News Network

Somaliya iyo Shiinaha Oo ka Wada-hadlay la Dagaalanka Kalluumeysiga Sharci darrada ah

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Xasan Aadan oo uu wehlinaayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdi Diirshe ayaa maanta xarunta wasaaradda ee magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Kulanka labada dhinac dhexmaray ayaa looga arinsaday arrimo ay ka mid ahayeen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha, waxaana labada dhinac isla garteen muhiimadda ay leedahay in la balaariyo iskaashiga dhaqaale, gaar ahaan kan la xiriira kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah.

Wasiir Wasaaradda Axmed Xasan Aadan ayaa ugu horeyn bogaadiyay xiriirka iskaashi ee ganacsiga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah ee labada dal, isagoo sheegay in Wasaaraddiisa ay go’an tahay horumarinta fursadaha suuq geynta kalluunka Soomaaliyeed.

Safiirka dowladda Shiinaha u jooga Soomaaliya Wang Yu ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Shiinaha ay diyaar u tahay iney suuqyadeeda waa weyn u furto ganacsatada Soomaaliyeed ee ku howlan kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Waxaa sidoo kale labada dhinac ay isla meel dhigeen in si wadajir ah uga shaqeeyaan la dagaalanka kalluumeysiga sharci darrada ah, islamarkaana taageero balaaran loo sameeyo horumarinta ganacsiga kalluumeysiga sharciyeysan iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga ah ee u dhexeeya labada dowladood..