Kulanka ayaa diirradda lagu saaray hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo haatan meel wanaagsan maraya iyo sidii loo maalgalin lahaa mashaariicda muhiimka ah ee ay si gaar ah Dowladda Soomaaliya mudnaan u siinayso.
Intii uu socday shirka, Wasiirka Maaliyadda ayaa xaqiijiyay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay abuuridda fursado dhaqaale oo lagu maalgalinayo bulshada Soomaaliyeed, si sare loogu qaado dhaqaalaha dalka iyo wax-soosaarka.
Kulan kan oo ay goobjoog ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, madaxda Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, Safiirada laba Dal ee Soomaaliya iyo Saudi Arabia ayaa waxaa lagu saxiixay heshiis is afgrad ah oo Dowladda Sucuudigu ay ku maalgalinayo qodista Ceelal Biyoodyo iyo horumarinayo Reer Miiga
Talaabooyinka horumarineed ee lagu maalgalinayo ilaha dhaqaalaha ayaa ah natiijo ka dhalatay hannaankii deyn cafinta oo Dowladda Soomaaliya ay ku maamushay waddadii saxnayd.