Heemaal News Network

Somaliya iyo Turkiga Oo Heshiisyo Dhinaca Shidaalka kala Saxiixday

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Dowladda Soomaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku joogo Dalka Turkiga ayaa heshiis la galay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Dalka Turkiga Mudane Alparslan Bayraktar.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya iyo dhiggiisa dalka Turkiga ayaa kala saxiixday heshiiska Hormarinta Hydrocarbon Soomaaliya iyo sida looga faa’iidaysanayo.

Qoraal uu soo dhigay Wasiirka bartiisa X ayuu ku yiri, “Aniga iyo dhiggeyga dalka Turkiga Mudane Alparsalan Bayraktar waxaan maanta kala saxiixday heshiis dawladeed laba-geesood ah oo ku saabsan horumarinta Hydrocarbons-ka oo ka mid ah kheyraadka dabiiciga ah ee dhaliya ilaha tamarta cayriin.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Madaxweyne Biixi Oo Xil ka Qaadis iyo Magacaabis ku sameeyay Xubnaha Golaha Wasiiradda Somaliland.

Heemaaln

“Waxaanu Marti-galinaynaa Maamulka Awdal State..” Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya Fiqi

Heemaaln

Xukuumadda Somaliland iyo Hay’adaha Caalamiga Oo Kulan ku yeeshay Hargeysa

Heemaal