Heemaal News Network

Somaliya iyo Turkiga Oo Saddex Arrin Oo Muhiim ah ka wada-hadlay

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa kulan muhiim ah magaalada Geneva ee dalka Switzerland kulan kula yeeshay Wasiirka Caafimaadka Turkiga, Dr. Kemal Memişoğlu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhanka horumarinta adeegyada caafimaadka, tayeynta kaabeyaasha caafimaadka iyo dhisidda awoodda shaqaalaha caafimaadka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada hagar la’aanta ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay Wasaaradda in ay sii dardargeliso iskaashiga caafimaad si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo shacabka Soomaaliyeed anfaca.

Dowladda Turkiga, ayaa siweyn u taageerta Soomaaliya, waxa ayna magaalada Muqdisho ka hirgalisay isbitaalka ugu weyn dalkeenna, waxa ay sidoo kale caawinaad dhinaca caafimaadka ah siisaa dadka Soomaaliyeed, marka ay xaalado adag lasoo darsaan.