Heemaal News Network

Somaliya Oo ku Boorisay Midowga Afrika iyo Q/Midoobay inay Mowqif ka Qaataan Xadgudubka Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku boorisay Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay inay mawqif mabda’a ka qaataan ku xad-gudubka ay Itoobiya ku hayso madax-bannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed ee Soomaaliya.

“Waxaan ugu baaqaynaa dowladaha xubnaha ka ah inay mowqif mabda’ ah ka qaataan MOU-ga sharci darrada ah,” ayay tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa kusoo aaday, xilli 14-ka bishaan uu magaalada Adis Ababa ka furmayo shir madaxeedka Midowga Afrika, halkaas oo ay isugu imaanayaan madaxda Afrika iyo wafuud ka socota beesha caalamka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaan la ogayn inuu shirkaas ka qeyb galayo sababa la xiriira xiisada Soomaaliya kala dhaxeeysa Itoobiya, taasoo ka dhalatay heshiiska dhinaca badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay doonaysaa in shirka Midowga Afrika arrimaha looga hadlayo ay kamid noqdaan xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay madax bannaanida midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa horey ugu baaqay labada dal inay xiisaddooda ku dajiyaan wada hadal iyo is qancin. Sidoo kale Golaha Ammaanka ayaa xiisada labada dal u weeciyay inay xal ka gaaraan AU-da iyo IGAD.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Imaardka Oo La Saftay Itoobiya Iyo Sacuudiga Oo La Saftay Soomaaliya Hubna U Soo Diraya

Heemaal

Somaliya iyo Turkiga Oo Heshiisyo Dhinaca Shidaalka kala Saxiixday

Heemaaln

Ex Madaxweyne Shiikh Shariif Oo Lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe

Heemaaln