Heemaal News Network

Somaliya Xubin Rasmi ka Noqotay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Ee Bariga Afrika.(Sawiro)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah xubin uga noqotay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika(EAC), kadib munaasabad maanta ka dhacday magaalada Arusha ee waqooyiga dalka Tanzania.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Xildhibaan Jibril Cabdirishiid Xaaji ayaa xoghayaha guud ee Ururkaas Dr. Pmathuki u gudbiyey dukumentiyada ansixinta iyo habraacyada ee ka mid noqoshada ururkaas.

Mudane Jibril Cabdirishiid Xaaji ayaa inta munaasabadda ka socotay magaalada Arusha la guddoonsiiyey calanka wadamadda ku bahoobay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. .

Munaasabadda waxaa goob-goob joog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Qarankeena Ma’ahan Iib Waana Difaacaynaa..”Madaxwayneha Awdal State Oo Gaaray Muqdisho

Heemaaln

Xasan Sheekh Oo si Wayn Looga soo Dhaweeyay Adiss-ababa.(Sawiro)

Heemaaln

Somaliland Oo Dacwad Ka Gudbisay Somalia Iyo Qodob Kale Oo Kasoo Baxay Shirkii Golaha Wasiirada

Heemaaln