Dowladda Masar ayaa caddeysay ka go’anaashaheeda taageerada dowladda Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada., waxa ayna Masar sheegtay in gacan ka geysan doonto sidii Soomaaliya xasillooni u heli laheyd.
Soomaaliya , ayaa si weyn u dooneysa in ciidamada dowladda Masar ay qeyb ka noqdaan howlgalka cusub ee nabad ilaalinta , si ay Masar gacan weyn uga geesato cirib tirka iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan ee diidan dowladnimada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh , ayaana dhawaan heshiisyo kala duwan la saxiixday MadAxweynaha Masar Cabdifitaax Al Siisi, waxaana la filayaa Masar in kaalin weyn ku yeelato howlgalka cusub ee nabad ilaaluntaee AUSSOM.