Dawladda Spain, ayaa maanta sheegtay inay joojisay qandaraas malaayiin doollar ah oo ay rasaas uga iibin lahayd shirkad militari oo laga leeyahay Israa’iil, si loo ballaariyo go’aankii Spain ee bishii Oktoobar,2023 lagu mamnuucay in wax hub ah laga iibiyo Israa’iil, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters oo xiganaysa wasaaradda arrimaha gudaha Spain.
Spain ayaa ka mid ah dalalka Midowga Yurub ee sida weyn u taageerray Falastiini, waxayna aqoonsadeen dawladda Falastiin oo ay siiyeen maqaamka dawlad madax bannaan, iyadoo boqorka dalkaa uu aqoonsiga ka guddoomay bilowgii sannadkan safiir dalkaa u fadhinaya Falastiin.